Weeraryahanka Monaco Thomas Lemar ayaa qirtay inuu u furan yahay dhamaanba dalabyada ka imaanaya Premier League.
22 jirkaan ayaa muhim u ahaa kooxda Leonardo Jardim sannadihii u danbeeyay, isagoo ka caawiyay kooxda Faransiiska inay horyaalka Ligue 1 iyo semi-finalka Champions League xilli ciyaareedkii hore.
Lemar awoodiisa iyo qaab ciyaareedkiisa ayaa lala xiriirinaayay kooxaha Arsenal iyo Liverpool, lakiin ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa qandaraaskiisa Monaco wali wax uga dhimanyihiin.
Shalaay? laga yaabe Ma rabo inaan qariyo, xooga waa niyad jabay,” Lemar ayaa u sheegay Telefoot markii la weydiistay inuusan dhaqaaqin sannadkii hore.
“Marka ay dhammaato, way dhammaatay, sidaasi darteed waxaan isku dayayaa inaanan ka fekerin, waan ka sii shaqeynayaa si kooxahan ay dib ugu soo laabtaan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga.
“Waxaan u furanahay dalabyada oo dhan, waxaan ahay ciyaaryahan kubada cagta ah, waxaan jeclahay kubada cagta, ma xiraayo albaabka.”
Lemar ayaa 29 kulan u saftay xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyey seddex gool islamarkaana uu 8 gool ka caawiyay tartamada oo dhan.