Xukuumadda cusub oo beri la horgeynayo Barlamaanka

Wararka Maanta

Golaha wasiirada cusub ayaa la filayaa in Berri oo arbaco ah uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre horgeryo Barlamaanka Soomaaliya. isagoo u waydiin doona in ay siyaan Codka kalsoonida.

Tirada Rasmiga ah ee ay Codka kalsoonida ku heli karaanna waa 139 cod. Kulanka Golaha shacabkana waxa Shir Guddoomin doono Cabdi Wali Muudey Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka maadama Guddomiye Jawaari yahay ku sime Madaxweyne xeer hoosaadka Golaha Shacabku uma ogolaanayo in uu Shir Guddoomiyo Kulanka berri.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa wasiir kasta amray inuu kalsooni ka keensado xildhibaanada beeshiisa, haddii kale badali doono.