Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun 8 Sano oo Xabsi ah ku ridday Askari lagu magacaabo Xukun Xasan Abshir.
Askarigan ayaa gacanta lagu dhigay isaga oo dhac ka geystay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Xukun ayaa markii hore ka soo baxay aagga Ciidamada dowladda ee Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha hoose sida ay sheegtay Maxkamadda,isaga iyo Askari kale ayaana dhac ka geysanayay suuka Bakaaraha.
Markii ay is qabteen Ciidamada amaanka ayuu rasaas billaabay sida Maxkamaddu sheegtay waxaana ku geeriyooday Askari la socday oo Saleebaan lagu magacaabayay.
Xukun ayaa is dhiibay,waxaa sidoo kale baxsaday qof Baskoolad watay oo dhaca qeyb kahaa,waxaana maanta lagu xukumay sideed sano oo Xabsi Ciidan ah.
Maxkamadda ayaa soo bandhigtay qorigii uu wax ku dhacayay,Lacag uu ka dhacay sharikad ku taalla Suuqa Bakaaraha iyo ID card.