Akhriso: 41-ka Xildhibaan ee Farmaajo 2-bada sano ugu daray Dalalka ay dhalasho ka heystaan iyo Maamul goboleedyadooda!!
Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhammaaday ayaa fadhi uu yeeshay 12-kii bishan waxaa uu Farmaajo ugu daray 2 sano taasi oo ah hor yimaadeen aqalka sare, maamul goboleedyada, madasha Badbaado qaran, bulshada rayidka iyo xataa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Yurub iyo Mareykanka.
Goobjoog News oo heshay liiska Xildhibaannada keenay isla markaana saxiixay mooshinka jiheynta doorashada.
Liiska waxaa kasoo saaray marka laga reebo tirada guud, haweenka, inta wadata dhalasho kale iyo xataa maamul goboleedyada ay ka yimaadeen, waana sidan:
(1). Tiro ahaan waa 41 keliya.
(2). Liiska inta saxiixday 50% waa haween oo ku tuseysa in Farmaajo u adeegsaday dumarka oo ah kuwa looga tiro badan yahay aqalaka.
(3). Xildhibaannada 18% waxay heystaan baasaboorro Mareykanka iyo Yurub oo laga yaabo iney cunaqabateyn wajahaan.
(4). Marka maamul goboleed ahaan loo fiiriyo Xildhibaannada mooshinka keenay waa sida:
Jubbaland(7) Xildhiban, Koonfur Galbeed(14) Xildhibaan, Hirshabeelle(3) xildhibaan, Galmudug(3) xildhibaan, Puntland(2) xildhibaan iyo Somalinad(11) xildhibaan.
Halkan Ka Akhriso Liiska Xildhibaannada Keenay Mooshinka Jiheynta Doorashada ee Farmaajo loogu daray 2 sano.
- Dahir Amin Jesow
- Samra Ibrahim Omar
- Ibrahim Isaaq Yarow
- Maryan Ahmed Harun
- Mohamud Ahmed Isse Run sheeg
- Feysal Omar Guled
- Asha Kos Mohamed
- Farhia Hassan Adan
- Rabico Sheikh Nur
- Sarha Abudkadir Osman
- Malaq Dhayow
- Amina Omar Jama
- Yurub Ibrahim Rabi
- Ikram Yusuf Hersi
- Sadia Musa Abdullahi
- Abdirahman Ahmed Suge
- Abdullahi Osman Duale Sugulle
- Bibi Kalif Mohamed
- Abudllahi Sheikh Mohamed Bakistan
- Abdiaziz Abdullahi Yusuf
- Abdullahi Olad Roble
- Ahmed Mohamed Jama Irro
- Hashim Nur Aden
- Qasim Mohamed Jama
- Fatah Said Hassan
- Osman Haji Ali
- Nadifa Farah Jama
- Khadra Mohamud Tukale
- Sheikh Shacir
- Ali Sheikh Abudllahi Afgooye
- Hawo Mohamed Aden
- Mohamed Ibrahim Abdi
- Sahra Omar Malin
- Abdullahi sheikh Ismail
- Amina Sheikh Osman
- Abdirahman Kulmiye Hersi
- Sheikh Nur Mohamed
- Ali yusuf Osman-Ganey
- Nur Sidow Baba-Hassan
- Hasaan Ali Mohamed-Amardambe
- Yaqub Ali Mohamed
Sida uu sheegay guddoomiyaha golaha waqtigoodu dhamaaday ee shacabka waxaa ogolaaday qararaka 149 Xildhibaan, Waxaa jira warar sheegaya in aanu kooramka maalintaa buuxin, taasi oo baaristeeda ay socoto.
Xigasho: Goobjoog News