Xubno Ka Tirsan Ururka ONLF Oo Sabtiga Tagaya Itoobiya

Wararka Maanta

Ururka ONLF ayaa shaaciyay in hoggaana ugu sarreeya ay dib ugu laabanayaan Dalka Itoobiya Sabtiga soo socda ee ay Taariikhdu ku beegan tahay 1da Bisha December.

Wabaahinta  Dowladda Itoobiya  ee FANA ayaa qortay in wafdiga ka socda ONLF ee ku laabanaya Itoobiya ay tiradoodu gaareyso 20 xubnood.

FANA waxaa ay sheegtay in xubnahaasi uu ka midyahay hoggaamiyaha ugu sareeya OLNF Admiraal Maxamed Cumar Cismaan iyo xubno kale.

Hoggaanka ONLF ayey ahayd in ay maanta oo taariikhdu tahay 29ka November ay dib u ugu laabtaan Adis ababa laakiin dib u dhac ayaa ku yimid.

Itoobiya iyo ONLF ayaa waxaa ay heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eritrea Bishii la soo dhaafay ee October.

Todobaadkii hore boqolaal ka mid ah Ciidamada Ururka ONLF aya aku laabtay Magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida,waxaana ku xiga hoggaanka oo Sabtiga tagaya Magaalada Jigjiga.

Heshiiska ONLF iyo Itoobiya ayaa waxaa ka mid ahaa in ay ONLF joojiso dagaalka islamarkaana ajendaheeda siyaasadeed ku gaarto hab nabadeed halkii ay dagaal ku raadin lahayd.

Hoggaamiyaha Itoobiya Abiye Axmed ayaa bartamihii todobaadkan magaalada Adis ababa kula kulmay in ka badan 81 hoggaamiye oo ka kala socday Xisbiyada Mucaaridka iyo Ururradii la dagaallami jiray Dowladda Itoobiya.