Sawirro: Hub laga xaday xerada General Gordon oo suuqyada Muqdisho lagu iibinayo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ugu yaraan lix boqol oo qoryaha fudfudud iyo kuwo kaleba isugu jira ayaa la sheegay in dhowaan laga xaday dugsigii ay dowlada Imaaraadka Carabta ku tababari jireen ciidamo Soomaali ah.

Sida ay sheegeen rag ka mid ah ganacsatada hubka waxaa gacanta u galay hub u badan qoryaha AK-47 oo dalka Shiinaha lagu soo farsmayeeyay kuwaasoo ay ku iibsadeen lacag gaareysa $700 ayna ku iibinayaan $1000 sida uu u sheegay wakaalada wararka Reuters mid kamid ah ganacsatada hubka ee magaalada Muqdisho.

Hubkan ayaa la sheegay in laga soo xaday dugsigii General Gordon oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka badan kun askari waxaana la sheegay in haatan inta badan ciidamadaas ay suuqa galeen.

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa waxaa soo kala dhex galay xurguf iyadoo meeshii ugu sareysay ay gaartay kadib markii ay dowlada federalka ay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabatay lacag caddaan ah oo ku dhow toban malyan oo dollarka Maraykanka ah.


Xigasho: Jowhar.com