Qaar ka mid ah Ciidamadii hore ee ku Naafoobay Dagaalkii 1977 dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa maanta markale waxa ay Banaan-bax ka hor dhigayaan Irida laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya.
Ciidamada Banaan-baxa dhigaya ayaa tilmaamay iney ka cabanayaan in mudo 5 bilood ah aysan Dowladda wax mushaar ah aysan siinin.
Dhinaca kale Todobaadadii la soo dhaafay ayey Ciidamadii hore ee Naafada Qaranka,waxa ay banaan-bax ka hor dhigeen sidaan oo kale Halka laga galo Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.
Sidoo kale Ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa mararka qaar waxa ay ridayaan Rasaas,madama Banaan-baxayaasha ay diidayan in Gadiidka ay wataan Mas’uuliyiinta Dowladda iney galaan ama ay ka soo baxaan Madaxtooyadda Soomaliya.