Xogta horudhaca ah Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir

Wararka Maanta

Shalay galab waxaa qarax xooggan ka dhacay hoolka lagu shiro ee xarunta Gobolka Banaadir, waxaana xilliga qaraxu dhacayey goobta ku shirsanaa Masuuliyiinta gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta ku geeriyooday Qaraxa 

  1. Gudoomiyihii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad
  2. Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi
  3. Guddoomiyihii Shangaani Sahra Markeyzi
  4. Agaasimaha Nadaafadda gobolka Cabdifataax Cumar Xalane
  5. Agaasimahii Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere
  6. La-taliyaga duqa Muqdishi Avv Xasan Maxamed Sabriye
  7. Agaasimaha qorsheynta deegaanka dowladda hoose, Injineer Shuuriye.
  8. Agaasimihii Naafada Gobolka Banaadir Basiira Cabdi Maxamed (Waa gabar aragga Naafo ka aheyd)

Masuuliyiinta ku dhaawacmay Qaraxa

  1. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow.
  2. Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda Seynab Xaabsay.
  3. iyo 4 masuul oo kale.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan Ismiidaaminta ah, waxaana ay tilmaameen iney la damacsanaayeen wakiilka QM ee Soomaaliya, oo saacado kahor halkaasi ku sugnaa.

Xogta horudhac ah ayaa tilmaamaysa in qof dumar ah is qarxisay, su’aasha mudan in la isweydiiyo ayaa ah sidee qofka isqarxiyey halkaas ku gaaray iyadoo uu adag yahay ammaanka xaruntan, waxaana sidoo kale jiray digniino soo baxayey maalmihii la soo dhaafay oo ah in qarax lala bartilmaameedsanayo xarunta gobolka Banaadir.

Alshabaab ayaa 5 Jeer Haween u adeegsaday qaraxyo ay fuliyeen .

  1.  June 10, 2011, gabar ayaa isku qarxisay wasiirkii Arimaha Gudaha Cabdishakuur Sheekh Xassan.
  2. April 4, 2012 Haweeney ayaa isku qarxisay Tiyaatarka Qaranka oo markaas khudbad ka jeedinayey Cabdiwali Gaas oo xiligaas ahaa Ra’iisulwasaarihii Dowladdii KMG.
  3. May 24, 2014 Alshabaab ayaa Haweeney iyo nin u adeegsaday qaraxyo isxigxigay oo ka dhacay La Chaumiere Restaurant Djibouti.
  4. Feb. 20, 2015, Qarax gaari iyo Haweeney isqarxisay ayaa ka dhacay Hotel Central, waxaana dadkii ku geeriyooday ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenkii gobolka Banaadir Caano-geel , sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Ra’iisulwasaare ku xigeenkii xiligaas Maxamed Cumar Carte.
  5. July 24 2019 oo shalay aheyd weerarkii Xarunta gobolka Banaadir.

Dhaawaca Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Masuuliyiinta kale ayaa maanta loo qaadayaa dalka dibadiisa, iyadoo dowladdu guddi gurmad u magacowday arintaas.

Dhankale Beesha Caalamka iyo masuuiyiin kala duwan ayaa cambaareeyey falkaan ka dhacay gudaha xarunta aad loo ilaaliyo gobolka Banaadir.