Puntland oo dalbatay in baaritaan lagu sameeyo Eedeynta Qatar

Wararka Maanta

Dowlad goboleedka Puntland ayaa War-Saxaafadeed ay soo saartay waxaa ay ku dalbatay in baaritaano dhab ah lagu sameeyo warbixintii  Wargeyska New York Times ee Dowladda Qatar lagu eedeeyay inay ka dambeysay qaraxyo ka dhacay Magalada Boosaaso & inay Puntland soo bandhigeyso baaritaan lagu sameeyay dilkii madaxii Shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Puntland oo ku qoran Luuqa English-ka ayaa marka hore looga dalbaday goleyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedeynta loo jeediyay dowladda Qatar ee ku lug lahaanshaha qaraxii ka dhacay 11-May ee sannadkan bannaanka hore ee maxkamadda darajada 1aad ee Magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Puntland ayaa waxaa ay balan qaaday inay gacan weyn ka geysan doonto baaritaanka ku saabsan Eedeynta ka dhanka ah dowladda Qatar ee lagu daabacay wargeyska New York Times,isla markaana kaalin weyn ay ka qaadan doonaan.

Geba-gabadii Puntland ayaa dhinaca kale sheegtay in dhawaan ay ku dhawaaqi doonto natiijada kasoo baxday baaritaan ay ku wadeen weeraradii ka dhacay Magaalada Boosaaso si gaar ah dilkii 4-tii Bishii Febaraayo ee sanadkaan loo geystay madaxii Shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Maamulka Puntland.