Xogta: Gabadh u shaqeynaysay ICRC oo laga soo Afduubtay Muqdisho

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sonja Nientiet oo ah gabadh u dhalay dalka jarmal ayaa 8-da Fiidnimo Arbaco 2 Bisha May 2018, waxaa koox hubeysan ka afduubteen xarunta hay’adda ICRC magaalada Muqdisho. Ninka Afduubka hogaaminayey ayaa u shaqeynayey isla hay’adan ICRC waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Calas, Dhalasho ahaan waxa uu ka soo jeeda gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Dusmareeb.

Sonja Nientiet ayaa waxaa lagu afduubtay gaari ay leedahay hay’adda ICRC, waana arinta sahashay in ay baxsadaan kooxda wax afduubtay, iyagoo ka baxay albaabka dambe ee xafiiska hay’adda. Kooxda afduubka ayaa markaas kadib ula soo talaabay deegaanada ay Alshabaab maamulaan, iyagoo garab ka helaya saraakiil ka tirsan Alshabaab. waxaana ugu dambeyntii la geeyey deegaanka Gudluubaan uu dhaxeeya Seego iyo Dabagalo degmada Xarardheere gobolka Mudug.

Kooxda haysata gabadhan ayaa lagu sheegay tiradooda ilaa 8 qof, iyagoo hadba meel u guuraya, waxaana dhowr jeer fashilmay wadahadalo dhexmaray kooxda Afduubka iyo haya’adda ICRC. waxaana afduubayaashu gabaad ka dhigteen Alshabaab oo deegaankaas ka dhow, iyagoo ka cabsanaya ciidamada Dowladda ama maleeshiyo beeleed.

Kooxda afduubka ayaa badankooda ka soo jeeda Dusmareeb iyo Cadaado, Maamulka Galmudug oo deeganadiisa lagu haysto gabadhan gargaarka u fidinaysay bulshada Soomaaliyeed ayaan wali ka hadlin, iskaba daa in ay talaabo qaadaan. dhanka kale waxaana maanta Cadaado soo gaaray masuul ka tirsan hay’adda ICRC oo lagu magacaabo Rephael, ninkan ayaa diyaarad gaar ah ka keentay magaalada Nairobi, waxaana uu u dhashay dalka Jarmalka, wuxuuna ku hadlaa luuqada Soomaaliga, isagoo muddo badan ka shaqeynayey Soomaaliya. Rapheal ayaa isku dayaya sidii uu soo deyn lahaa gabadhaas, isagoo adeegasanaya dadka deegaanka.

Kooxda afduubka ayaa ku adkeysanaysa in Madax furasho la siiyo, waxaana wali lagu guulesan waayey in lagu qanciyo in ay iska daayaan. Hay’adda ICRC ayaa horey u sheegtay in aysan wax madax furasho ka dhiibeyn shaqaale u adeegayey ummadda Soomaaliya. Hadii ay dheeraato howsha sii deynta gabadhan ayaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato howshii gargaarka ee hay’adan ka waday Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa arintan kala kulan wajigabax, kadib markii afduubku ka dhacay bartamaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir, waxaana lagu dhaleeceyey in ay hadii ay ku guuldareysteen in ay fashiliyaan afduubkan ay isku dayi kareen in ay ka daba tagaan.

Ceelhuur.com waxa ay xogtaan diyaarinaysay saddexdii todobaad ee lasoo dhaafay. waxaana kasoo xiganay warbaahin caalami ah iyo dad deegaanka jooga.

Wixii kusoo kordha kala soco

www.ceelhuur.com

isha wararka xaqiiqda ah.