Dowladda Federaalka oo diiday cusbooneysiinta Heshiiskii gaarka ahaa Deeqaha Somaliland

Wararka Maanta

Warqad jawaab aheyd oo kasoo baxday xafiiska wasiirka Qorsheynta iyo maalgashiga dowladda federaalka Soomaaliya Amb. Jamaal Maxamed Xassan ayaa lagu diiday in la cusboonaysiiyo heshiiskii gaarka ahaa ee deeqa Somalind.

Heshiiskan ayaa ogolaalanayey in si gaar ah loo maamuuso Maamulka Somaliland. Waxaana uu bilowday Sanadkii 2013 shirkii New Deal-ka, waxaana xiligaas dalka Madaxweyne ka ahaa Mudane Xassan Sheekh Maxamuud. Heshiiskana ayaa ku ekaa 2016.

Waxaana dhawaan hay’adaha deeqaha bixiyaa codsadeen in dib loo cusbooneysiiyo. Dowladda federaalka ayaa diidmadeeda ku sababeysay in arintaan wax u dhimayso Madax banaanida Soomaaliya, waana in Maamulka dowladu noqdaa laba heer oo ah Dowladda Dhexe iyo Maamul goboleedyo.

Wasiirka ayaa ku doodaya hadii heshiiskan sii socda in Maamulada qaar ku goodiyeen in ay iyana codsan doonaan in si gaar ah loo maamuuso. Dadka siyaasadad falanqeeya ayaa u arka arintan mid horseedi karta in Somalind ka baxdo wada hadaladii ay kula jirtay dowladda federaalka.

halkaan hoose ka aqriso warqadda oo  English ah.