Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Ganacsiga DFS oo la magacaabay

Wararka Maanta

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga dowladda Soomaaliya  ayaa maanta Magacaabay Xogahaye Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda u magacaabay mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ka dib markii uu Xoghayihii hore Abuukar Daahiye ku dhintay Qaraxii Soobe 14-kii October.