Xildhibaano ku kala qeybsamay jawaabtii dowladda ka bixisay Go’aanii Kenya

Wararka Maanta

Dhawaan dowladda Kenya ayaa dowladda Federaalka u jartay xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay,iyada oo u yeertay safiirkeedii ka joogay Muqdisho sidoo kalena dalkeeda kasoo erisay safiirkii Soomaaliya u joogay halkaas taas oo abuurtay khilaaf xoogan,hayeeshee dowladda Soomaaliya ay xalay jawaab ka bixisay.

Bulshada Soomaaliyeed,Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Go’aanka Kenya ay gaartay iyo jawaabta ay ka bixisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa qaba in Jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixisay uu ahaa mid biseyl iyo si diblumaasiyadeed ah oo abuuraya xasilooni.

Xildhibaanka oo la hadlay warbaahinta Muqdisho qaar ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya jawaabta ay bixisay ay tahay mid wanaagsan oo siyaasadeed,sidoo kalena uu socdo wadahadallo  labada dowladood ah,hayeeshee dowladda aysan gorgortan ka geleen taako ka mid ah Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka  mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa aad u dhaliilay jawaabta ay dowlada Soomaaliya ka bixisay Go’aankii Kenya,waxaana uu ku tilmaamay in uu yahay mid jilicsan.

Waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay ku xadgudubtay dhulka Soomaaliya,sidookalena ay sheegtay hadal xanaf ah oo dadka Soomaaliyeed iyo dowladda intaba taabanayay,balse dowladda looga baahnaa in jawaab kulul ay siiso.