Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Wararka Maanta

Koox Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay dalkaasi waxa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsata dalkaas.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim,waxaana la sheegay in kooxda Burcada ah ay ugu tageen Hoygiisa,islamarkaana ay ku toogteen.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in dilka Muwaadinkaasi Soomaaliyeed uu ka dhacay Xaafada New Brighton Magaalada Port Elizabeth Ee Gobolka Eastern Cape,isla markaana burcadii dilkaasi ka dambeysay ay Goobta ka baxsadeen.

Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa joogto ka noqday  dilalka loogeysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed,waxaana jirin dowlad ilaa iyo hadda iska xilsaartay in wax laga qabto dilalka mar walba dalka koonfur Afrika loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Ganacsi ahaan u taga dalkaas.

Dhawaan Magalada Adis Ababa intii uu socday Shir madaxeedkii Midiwga Afrika ayaa waxaa halkaasi ku kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo dhigiisa Koonfur Afrika,iyaga oo ka wada hadlay arrinta ku saabsan dilalka loogu geysto Koonfur Afrika Soomaalida wallow kulankaas Dowladda Soomaaliya war rasmi ah kasoo saarin.