Xildhibaan ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Gaari Nooca raaxadda ah oo lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa ku qarxay Iridda Hore ee Maqaayadda London Gate oo ku taalla meel u dhow Beerta Nabadda degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay waxaa watay Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibrahim oo ka mid ahaa xildhibaannada Hirshabeelle, islamarkaana ku dhintay Qaraxaasi oo loogu xiray gaarigiisa.

Hal qof oo kale ayaa la xaqiijiyay sidoo kale in uu ku dhaawacmay Qaraxaasi uu ku dhintay Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibrahim oo ka mid ahaa xildhibaannada Hirshabeelle.

Allaha u naxariistee Xildhibaan  Cabdiweli Maxamed Ibraahin  ayaa noqonaya xildhibaankii 4aad ee ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle oo ku dhintey qarax ama weerar ay fuliyeen Al-Shabaab.