Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka oo goor dhow furmaya

Wararka Maanta

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu furmo kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, akdib Xildhibaanada oo fasax ku jiray in ka badan laba bilood.

Munaasabad lagu furayo kal-fadhiga 5-aad oo lagu qaban doono xarunta Jeneraal Kaahiye (Iskool Buluusiya) ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota baarlamaanada dowlad goboleedyada, Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Waxaa aad loo adkeeyey Amniga Wadooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa xarunta Jeneraal Kaahiye, iyada oo xalay Xildhibaanada Golaha Shacabka loo diray Farriimo lagu ogeysiinayo in Maanta uu furmayo kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Wadooyinka ku teedsan Xarunta Janeraal Kaahiye ayaa sidoo kale waxaa la dhigay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo amniga xaqiijinaya, waxaana la filayaa in Madaxda ka qeyb galeysa ay khudbado ka jeediyaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xilligaan waxaa horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo u baahan inay ka doodaan, kadibna ay ansixiyaan ama ay diidaan, waxaana inta badan dalka kusoo laabtay Xildhibaano safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.