Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in Maxaabiis ku xiran Galmudug la wareejinaayo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Qaranka oo shalay gelinkii dambe soo gaaray Magaalada Cadaado oo xarun ku meelgaar u ah dowlad goboleedka Galmudug ayaa ujeedada socdaalkiisa ku sheegay sidii loo soo warejin lahaa maxaabiista ku xeran meelo ka mid ah Galmudug.

“Waxyaabaha aan u unimid waxaa ka mid ah runtii Maxaabiista ku xiran meelo ka mid ah Dowlad Goboledka Galmudug oo aanan haysan Cadaalad iyo meel xabsi ah oo lagu xiro inaan wareejino oo aan u wareejino meelaha Garsoorka iyo Xabsiyada ay ka heli karaan, iyadana Dowlad Goboledkada inay naga caawiyaan sidii aan u wareejin laheyn.” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Axmed Cali daahir ayaa maamulka Galmudug ku amaanay dowrkii ay ka qaateen wareejinta maxaabiis hore oo ku sugnaa Galmudug oo lagu wareejiyay xafiiskiisa, isagoona ugu baaqay maamulka in haddana ay gacan ka geystaan wareejinta maxaabiista cusub ee Muqdisho la keenayo.

Galmudug ayaa maxaabiis badan ku qabatay dagaalkii Alshabaab kula gashay gobolka Mudug, waxaana maxaabiistaas oo lagu hayey magaalada Galkacyo qaarkood horey loogu wareejiyey Muqdisho, Xeer ilaaliyaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey Sareeye Guud Bashiir Goobe Taliyaha Asluubta Soomaaliya oo dhankiisa balan qaaday in ay xabsiyo ka dhisayaan deegaanada Galmudug.

Ceelhuur Online
www.ceelhuur.com

Comments are closed.