Garowe ayay Gartu taalaa! W/Q: Xil: Fiqi

Wararka Maanta

Munaasabadda Caleemo-saarka ee Maanta ka dhacaysa Garoowe waxay kulminaysaa, maamuladii gobolada ee Intooda badan ay kala irdhaysnaayeen Villa Soomaaliya sanadkii u danbeeyay, iyo dhanka kale siyaasiyiin khilaaf xoogani uu kala dhexeeyay hogaanka Villa Soomaaliya….. iyo umaddo kale oo Xagga iyo Xagga u dhexeeya..

Mid ka mid ah mas’uuliyadaha madaxda Villa Soomaaliya waa isku haynta dalka iyo dadka Soomaaliya, wada-shaqayntooda, iyo is-walaalaysigooda.

Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo muddo bil ka yar ay ka Soo wareegtay doorashadiisii wuxuu awood u yeeshay inuu isugu keeno hal magaalo iyo hal goob mas’uuliyiin farqi intaas le’eg uu u dhexeeyo taasoo ah mas’uuliyaddii loo igmaday madaxweyne Farmaajo ee uu dayacay!?

Madaxweyne Farmaajo markaan dhaqankeena baadiyaha dib ugu laabanno wuxuu u muuqaal eg yahey “nin xoolo la raaciyey, lagana sugayey inuu Soo daajiyo, ayagoo bad qabana reerka dib ugu Soo celiyo balse taa bedelkeeda dayacey ammaanadii loo dhiibay, isla markaana iska Soo hoyday ama reerkii dib ugu Soo noqday asagoon wax xoolo ahi gacanta ugu jirin, ayna intaas u dheer tahay in uusan wax welwel ka qabin waxa uu sameeyey”, taas oo kale marka aalaaba ay dhacdo reerka lagama waayi jirin wiil kale oo fariid ah oo xoolihii Baadi-gooba oo inta raadqaada raq iyo ruuxba wixii harey Soo caymiya.

Waxaan is-waydiin mudan dad muddo intaas le’eg aan salaanta iska qaadin, wax wada shaqayn ahina dhexmarin, oo hal meel ku qasbanaaday In duruuftu isugu keento nooca hadalka uu Madaxweyne Farmaajo ka horjeedin doono, kallimaadka uu isticmaali doono, dareenka wajigiisa ka muuqan doona iyo inuu ka faa’idaysan doono gogosha uu fidiyey Madaxweyne Deni iyo In kale ee laga yaabo In aysan dib u Soo noqon mudada yar ee xukunka uga harey!

Waxay noqotaba waqti dheer jawaabtu qaadan maysee ee Garoowey gartu taallaa maantay!?