Akhriso Magacyada Musharixiinta Aqalka Sare ee Hirshabeelle

Wararka Maanta

Maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray Liiska  musharixiinta Aqalka Sare, kuwaasoo u tartami doona 8-da kursi oo uu maamulka Hirshabeelle ku leeyahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku dhawaaqay 21 Musharax oo 5 kamid ah ay yihiin dumar kuwaasoo u tartami doona Aqalka Sare.

Musharixiintan ayaa beri  hortagi doonaan Baarlamaanka maamulkaasi, iyagoo qudbado u jeedin doona xildhibaanada baarlamaanka kana hadli doona waxyaabaha ay qaban doonaan. Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ayaa waxa ay dhici doontaa maalinta Axada lixda bisha November 2016.

Akhriso Magacyada Musharixiinta Aqalka Sare ee Hirshabeelle

1- Maryan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen

2-Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud, Fartuun C/dir Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Dayib Axmed

3-Maxamed Cismaan Faarax (Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi

4-Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey, Cismaan Mocow iyo Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.

5-Maxamed Amiin Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi

6-Muuse Xasan Yalaxow (Muuse suudi) iyo  Xasan Cali Caadle

7-Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur

8-Jaamac Xuseen Xaashi iyo Proff Cismaan Maxamuud Duflle.

Comments are closed.