Xaruntii Degmada Hodan oo ku burburtay Qarax lala beegsaday (Sawirro)

Wararka Maanta

Qarax xooggan ayaa maanta lala beegsaday xarunta degmada Hodan Magaalada Muqdisho, Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ahaa gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyey oo uu waday qof naftii halige ah.

Burbur xooggan ayaa soo gaaray Inta badan dhismayaashii xarunta degmada Hodan, sidoo kale waxaa burbur soo gaaray dhismayaal u dhow xarunta.

inta la xaqiijiyey ilaa 7 qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka dhaawacu ka badan yahay 15 kale. dadkii waxyeeladu gaartay ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka, waxaana badqaba gudoomiyaha degmada Hodan, oo ka qeyb qaadanaya gurmadka halkaas ka socda.

Dhanka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa halkaas gaaray, isagoo ka tacsiyeeyey dhibaatadii halkaas ka dhacday. todobaadkii hore ayaa sidan oo kale Qarax lagu burburiyey xaruntii degmada Howlwadaag.