Madaxweyne Gaas Oo Maanta Garoowe Dib Ugu Soo Laabtay (Dhageyso)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas oo Mudooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya ayaa maanta kasoo degay Garoonka diyaraha ee magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu magaalada Nayroobi uga qayb galay shir looga hadlayey Arimaha Soomaaliya isagoo sidoo kale sheegay xubno kamid ah Beesha Caalamka kuwaasoo uu kula kulmay Kenya.

Madaxweynaha Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Garowe waxaa kusoo dhaweyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey iyo xubno kamid ah Golaha wasiiradii Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas:-