Xaaf:” Reer Cadaado iimaanka Allaha idin galiyo…” (Dhageyso)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo xalay wareysi siiyey idaacadda codka gobolada dhexe ayaa ka hadlay arimo xasaasi ah. isagoo aad u dhaleeceeyey xildhibaanada Cadaado. sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in aan laga hordhicin dib u eegista dastuurka.

Mr. Xaaf ayaa waxaa ka muuqatay xanaaq, isagoo ku celceliyey erayga ah iimaanka allaha idin galiyo, kaas oo ah mid ay aad uga caroodeen bulshada Cadaado. dhanka kale Magaalada Cadaado waxaa ka socda abaabul shirweyne looga arinsanyo aayaha Galmudug. Waxaana la filayaa in Reer Cadaado saacadaha soo socda ku dhawaaqaan gogosha looga arinsanayo ayaaha Galmudug.

halkaan ka dhageyso wareysiga Madaxweynaha.

Comments are closed.