Xaaf oo xiriirka u jaray Dowladda Dhexe

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Axmed Ducaale Xaaf Madaxweynaha Galmudugta Dhuusamareeb ayaa warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa waxa uu ku sheegay inuu joojiyey wadashaqeyntii uu la lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kadib kulankii Garoowe ee caleemasaarkii Saciid Deni Janaayo 2019, wuxuu amray in lala shaqeeyo wasiirada Xaaf, waxaana talaabadan uu qaaday Xaaf ee xiriirka  Dowladda Dhexe culeys ku kordhin doontaa wasiiradiisa, Waxaana muuqata in Xaaf qaadayo talaabo kasta oo uu qaado siciid Deni.