Muqdisho:Ciidamada Amniga oo Fashiiliyay Gaari Qarax siday

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya saaka Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay Shacabka Muqdisho ka badbaadiyeen qarax gaari lagu soo xiray oo la damacsanaa in lagu laayo.

Warku waxuu intaas ku darayaa in Cidamadan oo xog hayey ay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ku qabteen Ex-control Balcad, waxaana baxsaday qofkii gaariga waday.

Sida ay Sheegeen qaar kamid ah Saraakiisha Amniga Kooxaha miino baarista ayaa ku guuleystay iney kala furaan walxihii la isku soo xiray, iyadoo ciidamada ay ku radjoogan ninkii waday gaariga laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyo ku laaya shacabka ku dhaqan Muqdisho, sidii marar hore oo badan dhacday