Ciidamada Booliska oo Howlgalo ka sameeyey Xaafadaha Muqdisho

Wararka Maanta

Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaa faah faahin ay ka bixiyeen howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Booliska ay ka sameeyeen degmoyin ka tirsan gobolkan Banaadir,howlgalladaas dad badan lagu qabqabtay.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in dad ku guda jiray falal Amnidarro laga soo qabtay degmooyinka,Warta-Nabada, Wadajir, Yaaqshiid,Hodan iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolkan Banadir.

Waxa ay sheegtay in Maalintii Isniinta ee todobaadkaan howlgallao laga fuliyey degmooyinka,Wadajir iyo Hodan lagu soo qabtay 5 ruux oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dil ka dhacay degmada Wadajir ee Magalada Muqdisho.

Sidoo kale Maalintii Axada aheyd in Ciidamada Booliska ay ka qabteen degmada Warta-nabada saddex Ruux oo watay Mooto Bajaaj,isla markaana baaris kadib la ogaaday inay yihiin Burcad,sidaasina Xabsiga lagu dhigay.

Taliye Zakiya ayaa ugu dambeyn sheegtay in howlgalladii ugu dambeeyey ee laga sameeyay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir lagu soo qabtay Kooxo Burcad u badan,kuwaas oo xilliyada qaar dhac u geysan jiray dadka Shacabka.

Marka laga soo tago hadalka Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa waxaa jirtay in todobaadkaan Gudihiisa Magalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay in ka badan 10 ruux,balse aan weli dad loo qaban.