Wiil Dhalinyaro ah oo Xalay lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Ayuub Axmed Daahir oo ka mid ahaa Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Ganacsatada Suuqa Xamar Weyne ayaa xalay lagu dilay Suuqa Xamar Weyne Magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa yimid kaddib markii uu isku dayey inuu hor istaago  kooxo tuugo ah oo gabar yar ka dhacayay Mobil, hase ahaatee mid ka mid ah kooxihii tuugada oo bastoolad watay uu xabad ku dhiftay. Kooxda dilka geystay ayaa ku baxsaday Mooto Bajaaj ay wateen.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka Arrimaha Bulshada degmada Xamar weyne ayaa sheegay in habeenadii la soo dhaafay ay ku soo bateen Xamar weyne kooxo dhac u geysta shacabka, waxaana uu ugu baaqay laamaha amniga dowlada ciidamo dheeraad ah.

Falalka amni darada ee dhaca u badan ayaa habeenkii loo adeegsadaa mooto bajaaj, taasoo keentay in dhalinyarada ay habeenkii u diidaan inay xaafadaha soo maraan Mooto bajaajta.