Wariyayaal lagala dagay diyaarad garoonka Dusmareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida inoo xaqiijiyeen ilo xog – ogaal ah waxaa galabta diyaarad lagala dagay laba wariye oo u shaqeynayey Telefishinka Galmudug.

Labadan wariye ayaa magacooda lagu sheegay CabdiQani Axmed Abtidoon iyo Cabdicasiis Cali Guuleed. Waxayna diyaarada Maandeeq galabta ka raaceen garoonka diyaaradaha Cadaado, iyagoo kusii jeeday Muqdisho.

Diyaaradan ayaa kusii hakatay garoonka Dusmareeb, halkaas oo lagula dagay labadan wariye, koox ka socotay madaxtooyada Galmudug Dusmoreeb iyo ciidanka Ammaanka garoonka ayaa howlgal ku lug lahaa, sida ay inoo xaqiijiyeen dad xog -ogaal ah.

Wariyayaasha ayaa la sheegay in ay ka gadodsanayeen mushaarkooda oo aan la siin muddo dhowr bilood ah, waxaana masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Galmudug oo dacwad kusoo oogay wariyayaashan, ay keeni waayeen cadeyn, taas oo keentay in ciidanka Ammaanku fasaxaan wariyayaashaan.

Wariyayaashan ayaa caawa ku hoyana Hotel ku yaala Dusmoreeb, waxaana la filayaa in beri sii wataan safarkooda magaalada Muqdisho.

Dhacdadaan ayaa keentay in maamulka garoonka diyaaradaha Cadaado dacwad ku oogo shirkadda Maandeeq, madaama rakaab diyaaradda saarnaa lagula dagay garoon aan aheyn kii ay ku socdeen.