Xildhibaan xalay ku geeriyooday Jowhar oo aas loo sameeya

Wararka Maanta

Waxaa saakay Aas loogu sameeyay Magaalada Jowhar Allaha u naxariistee Marxuum Aadan Macalin Cali oo ka mid ahaa Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Marxuumka xalay fiidkii ayuu wadnaha istaagay waxaana ka qeybgalay Aaska Xildhibaanka Madaxweynaha KMG ahna Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Md Cali Xuseen Guudlaawe, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Wasiiro iyo Xildhibaanada Hirshabeelle.

Dhamaan dadkii goobta isugu yimid waxay Alle uga baryeen inuu naxariistiisa Janno Siiyo jannatul Fardowsana Ka waraabiyo. Aamiin Aamiin

Marxuumka ayaa la xanuunsanayaay naqas isbitaal Jowhar ayuu ku jiray in muddo ah markii dambe ayuu u dhintay.

Marxuum Aadan Macalin Cali  waxa uu jiraa da’da 55 sano jir, waxaana mar uu soo noqday Guddoomiye ku-xigeenkii 1aad ee Gobolka Hiiraan, isagoo Xildhibaanimada ka soo galay Gobolka Hiiraan.

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN…..