Akhristayaasheena sharafta leh waxaan maalin kasta oo jimce ah idiin soo gudbin doonaa haddii Alle idmo taxanaha sheekooyin jaceyl.
Maanta waxaan idiin soo bandhigeynaa Qeybta Koowaad ee sheekada ciwaankeedu yahay ISKA KAY ILOOW UMA XIISIN JACAYLKAAGII….. waxaana qalin u qaadatay Fatxi Xaaji Abshir [Niiniile]. Hadaba ka bogasho wacan.
Goor sheegtadu waxaay ahayd 3:00pm galabnimo xili salaada casir la adimaayey waxaan kasoo baxay gurigeyga anigoo kusii wajahan goob aan markaas wax barasho u aadaayey intii aan jidka kusii socday waxaa iga hor timid gabar aan markaas isla dhigano iskoolka isku fasalna ahayn iyo wiilaal markaas la socday Salaam iyo is marxabayn kadib waxaay hadal ku bilaabtay ‘’faay aan ku baro wiilashaan waa dariskeyga barasho wacan ‘’
Halkii ayaan isku baranaay wiilashii walow aan markaas meel u dag dagsanaa waxaana ku dhahay waan sii baxaa dhamaanteen asxaabteyda”
Mid ka mid ah wiilashii aan halkaas isku baranay ayaa igu dhahay aan kusii dhaweeyo “abbaayo faay “waana ka aqbalay inuu isii dhaweeyo
Intii aan aan jidka kusii soconay ayaan si fiican isku baranay
Wuxuuna hadal ka bilowday sida tan….
La soco qeybta kale jimcaha dambe.
W/Q: Fatxi Xaaji Abshir [Niiniile]
Cadaado – Soomaaliya