Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka.
Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista waddooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka.
Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay :
- Muxidiin Maxamed Kaalmooy, wasiir ayuu soo noqday xukuumadii RW Saacid.
- Xasan Daahir Dhibil, wuxuu ka tirtsanaa xisbiga Kulmiye Somaliland, dhawaan ayuu Muqdisho yimid.
- Xasan Xundubey Jimcaale, waa wariye hore BBC
- Maxamed Isxaaq Ibraahim,
- Maxamed Cali Mire, wuxuu la dhashay Xildhibaan C/shakuur Cali Mire.
Safiiradan oo aan wali loo magacaabin dalalka ay ka howlgalayaan, ayaa la qorsheynaaa in dhawaan wasaaradda arimaha dibadda soo bandhigto dalalka ay danjirayaasha ka noqonayaan, kadib Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo saari doona faafinta rasmiga ah.