WFP oo raashinka ka gadanaysa Beeraleyda Soomaaliyeed (Sawirro)

Wararka Maanta

Heshiiskan cusub oo ay kala saxiixdeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay”adda Cunada Aduunka ee WFB ayaa la xiriira sidii loo dhiira gelin lahaa wax soo saarka beeraleyda Soomaaliyeed, waxaana heshiiska ku cad in Hay”addu aaney dibadda ka keeni karin raashin ama dalag laga heli karo dalka oo ay soo saari karaan beeraleyda Soomaaliyeed.

Madasha heshiiskan lagu kala saxiixday waxaa goob joog ahaa Ra”iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuled, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Madaxda Hay”adda WFB iyo masuuliyiinta Iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa tilmaamay in heshiiskan uu meesha ka saarayo in WFB ay dalka keento waxyaabo laga heli karo dalka, taasina ay fursad u tahay wax soo saarka dalka.

Qaar kamid ah Madaxda Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey heshiiskan waxaana ay sheegeen iney ku dadaalayaan in laga maarmo in dalag laga heli karo dalka laga keeno dibadda.

Ra”iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mar waliba u taagantahay sidii loo dhiira gelin lahaa Beeraleyda Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in beeraleyda looga baahanyahay sidii ay u horumarin lahaayeen wax soo saarkooda.