Inta la xaqiijiyay 4 qof shacab ah iyo naftii hurihii gaariga waday ayaa ku geeriyootay 9 qof kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari nuuca raaxada ah oo uu watay ruux ku xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay wadada Maka Almukaramah,gaar ahan meel u dhow Hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta kula hadlay goobta falkaasi uu ka dhacay ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashey qaraxaasi.
“Qarax ay soo maleegeen kooxihii dhagar qabayaasha ayaa halkani ka dhacay,waxaana ku dhintay 1 qof oo shacab ah iyo dhagar qabihi gaariga qarxay waday,runtii lama yaqaano halka uu u socday, balse ma uu san gaarin hadafkiisa uu damacsanaa”, Ayuu yiri Qaasim Axmed Rooble.
Xiliga qaraxa uu dhacayay oo ahayd abaaro 5:00 Galabnimo oo 30 daqiiqo dhiman,ayaa waxaa goobtaasi ku sugnaa dad badan oo shacab ah,gaariga nuuciisu waxaa lagu sheegey in uu yahay nuuca raaxadda ah in kastoo uu basbeeley ayna adagtahay in sirasmi ah loo ogaado.
Balse dadka ka ag dhow goobta ee ka madaxa banaan Dowlada ayaa sheegaya in ay arkeen ilaa 4 ruux oo dhimasho ah
Dadka dhaawacyada ka soo gaarey qaraxaasi ayaa durba loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho, goobta qaraxaasi uu ka dhacay ayaa kamid ah meelaha ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho.
Tani ayaa qeyb ka ah Qaraxyada iyo weerarada ay Al-shabaab ka gaystaan Xarumaha Dowlada Amison iyo goobaha rayadku ku badan yihiiin ee Muqdisho.
Hoos ka Dhaawo Sawirada
Ceelhuuronline