Weeraryahanka Celtic Moussa Dembele ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay natiijo fiican ka heli karaan naadiga Barcelona kulanka wareega group-yada ee Champions League habeenka talaadada.
Celtic ayaa Camp Nou aadaya ka dib markii ay 5-1 kaga badiyeen kooxda Rangers isbuucaan, halka Barcelona 2-1 ku garaacday kooxda dhawaan galka ah ee Alaves gurigooda.
Dembele ayaa hat-trick ugu horeeyay ee Derby Old dhaliyay xilli ciyaareedkan, isagoo sheegay in kooxda heysata horyaalka Scottish ay awood u leedahay inay kasoo helaan natiijo fiican.
20-sano jirkaan ayaa haatan dhaliyay todoba gool 11 kulan uu u saftay kooxda Celtic xilli ciyaareedkan.
Comments are closed.