Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka Premier League ee xili ciyaareedka 2017-18 ka dib markii ay Man United guul darro 1-0 ah ka soo gaartay kooxda West Bromwich Albion.
Citizens ‘3-1 kaga badisay Tottenham Hotspur habeenkii Sabtida taasoo aheyd in Red Devils ay qasab ku tahay inay ka fogaadaan guuldaradii si uu u sii jiro tartanka horyaalka.
Si kastaba ha ahaatee, goolka daqiiqadii 73-aad ee Jay Rodriguez uu ka dhaliyay Old Trafford ayaa la micno ah in Man United ay weli 16 dhibcood ka hooseyso Man City iyadoo shan kulan ay u harsan tahay .
Natiijo ahaan, horyaalka Premier League wuxuu ku jiraa gacanta kooxda Blues ee Manchester City markii seddexaad todobo xilli ciyaareed.
Pep Guardiola, oo sheegay in uu ciyaari doono golf halkii uu daawan lahaa ciyaarta, haatan wuxuu ku guuleysan karaa billada dahabiga ah ee abaalmarinta isagoo horey ugu guuleystay Bundesliga kooxda Bayern Munich iyo La Liga Barcelona.