Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo si kulul u weeraray Xildhibaanada Federaalka

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaa ayaa si kulul loogu weeraray xildhibaanada Federaalka ku matala Galmudug.

War-Saxaafadeed

Warqadda lagu baahiyey baraha bulshada oo ku taariikhaysan 28 May 2018, ujeedadeeduna ahayd caddayn mawqifka aqlabiyadda xildhibaanada iyo senotorada qaranka ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Galmudug ee ku aadan xaaladda khilaafka Galmudug taas oo u muuqata mid ay sameeyeen koox danleey ah oo isku dhexqarinaya magaca xildhibaanada iyo senetorada laga soo doorto Galmudug loogana danleeyahay in jahawareer siyaasadeed laga dhex abuuro Galmudug, waxaana taa caddayn u ah, warqaddu malahan wax saxiix ah ee waxaa ka muuqda magacyada xildhibaanada iyo senetorada, taas oo ay qaarbadan sheegeen in arrintaas ay wax ka ogyihiin.

Maaha markii ugu horaysay oo mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaarkood ee laga soo doorto Dowlada Goboleedka Galmudug ay qas iyo jahawareer siyaasadeed geliyaan deganaashaha iyo talaabo hore uqaadidda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaan u aragnaa in ay yihiin kuwo ka xun heshiiska dhexmaray Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulkii ASWJ ee isku biiray iyadoo ay caddahay dhamaan qodobadii ay ku heshiiyeen iyo hanaankii loo maray dhaqangelinta qodobadii heshiiska taas oo ay xafladaynteedii ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda Sare ee dalka, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada,
beesha caalamka iyo dowladaha daneeyo arrimaha Soomaaliya.

Waxaa nasiib-darro ah in kuwa gebay howshoodii loo igmaday ee ku milmay aragtiyo kale oo dano kale xambaarsan ay weli doonayaan in ay dib u dhigaan horumarka la taabankaro ee Galmudug ay ku talaabsanayso iyagoo gabbaad ka dhiganaya cabashaa beelo ka timid iyo hanaaki waxqaybsiga ayaa meel looga dhacay taas oo ay madaxda Galmudug horay u caddeeyeen in cid kasta oo tabasho qabta lagala fadhiisanayo xalna laga gaarayo, mana ahan arrintaasi mid gaarsiisan in ay u gudubto masuuliyiin heer federal ah ama heer caalami ah ee waa arrin xalkeedu yaallo Galmudug dhexdeeda.

Talo Jeedin:

Waxaan kula talinaynaa mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Galmudug in aanay ku mashquulin sidii Galmudug dhibaato hor leh looga abuuri lahaa ee ay ku mashquulaan howsha dhabta ee loo igmaday oo ah in ay kala shaqeeyaan Dowlad Goboleedka dhinaca horumarinta iyo xoraynta degaanada cadawgu haysto, sidoo kale ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hay’adeheeda kala duwan ugala xisaabtamaan xallinta baahiyaha ka jira degaanada Galmudug.

Baaq
Dowlad Goboleedka Galmudug waxay baaq u diraysaa dhammaan Dowladda Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Beesha Caalamka iyo Dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya in ay fiiro gaar ah u yeeshaan dhawaqyada ka yeeraya danleyda kala duwan oo lagu wax yeelaynayo horumarka loo qaaday dhinaca nabadaynta iyo xasilinta siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhammaad

Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Hanuunita Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Galmudug