Dagaalyahano katirsan Kooxda AlShabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaday gudaha magaaladda Ceel-waaq dhanka gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Dagaalkan oo ah mid aad uxoogan ayaa lasoo sheegayaa inuu geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ku dhawaad shan qof ayaa la ogaanayaa iney ku dhinteen dagaalkan, waxaana ku jira dadka dhintay labo kamid ah ciidamada amaanka dalka Kenya
Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhintay dad shacab ah oo gaaraya ilaa sedex sidaas waxaa sheegay sargaal uhadlay ciidamada booliska dalka Kenya.
Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay xarun Banki oo ku yaal gudaha magaaladda Ceel-Waaq, laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in qasaaraha uu intaas ka badan yahay
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya iney hayaan dhaawacyo badan, laakiin xaaladu tahay wali mid adag oo aan la sheegi Karin tirade rasmiga ah.
Rasaas ayaa wali laga maqlayaa halkii lagu dagaalamay, halka sidoo kale qarayo waa weyn la maqlay
Dagaalyahanada Shabaab ayaa marar badan weeraro ku qaaday gudaha dalka Kenya kuwaas oo ay ku bartilmaameed sadeen xarumo muhiim ah, tan markii Ciidamada kenya gudaha u galeen Soomaaliya