wasiir hadliye oo khudbad uu kaga hadlayo xaalada soomaaliya kajeediyay shirka golaha Q.M

Wararka Maanta

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa khudbad uu kaga hadlaayo xaalada Soomaaliya ka jeediyay kulanka guud ee Qaramada Midoobey ee ka socda magaalada New york ee dalka Mareykanka.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay arimo badan oo quseeya caalamka iyo sidoo kale xaalada Soomaaliya.

Wasiir Hadliye ayaa ka hadlay la dagaalanka Maleeshiyaadka Al-Shabaab , waxaana uu sheegay in dalalka Caalamka looga baahan yahay in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay wali gacanta ku hayaan.

Waxaa uu xusay in dalalka caalamka looga baahan yahay in ay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay wasiirku isbadelka Cimilada iyo sidoo kale dhaqaalo xumida soo wajahday qaar ka mid ah dalalka Caalamka.

Kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wali ka socda magaalada New York iyadoo ay khudbadaha madaxda caalamka lagu soo qaadayo arrimo badan oo kala duwan.