Wasaarada arimaha gudaha oo magacowday gudiga farsamada maamul usamaynta galmudug

Wararka Maanta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Xubnaha Guddiga Farsamada ee Maamul Dhisida Galmudug, kuwaasoo howshooda tahay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Xubnaha Guddiga ayaa ka kooban 13 Xubnood, iyadoo ay ku jiraan qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda, la Taliyeyaal, waxaa xubin ka ah Guddigan mid ka mid ah Xubaha ololaha u qaabilsanaa Musharax Qoor Qoor, taasoo muujineysa sida xubnaha Guddiga ugu badan yihiin dhinaca Xukuumadda.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo dhoweeyay magacaabida Guddiga, isagoo caddeeyay inay kala qeyb qaateen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddigan, waxaana uu xusay inay kala shaqeyn doonaan dhameystirka dhismaha Galmudug mideysan.

Halkan hoose ka akhriso xubnaha Guddigan:-