Wariye loo magacaabay Gudoomiye Degmo

Wararka Maanta

Wareegto kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Yariissoow ayaa waxaa gudoomiye cusub loogu magacaabay degmada Cabdicasiis.

Gudoomiye Yariisoow ayaa gudoomiyaha cusub ee Degmada Cabdicasiis ee gobolkaan Banadaair u magacabaay Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Ismaaciil Orange).

Gudoomiyaha cusub ee loo magacabaay degmada Cabdicasiis ayaa waxaa uu kamid ahaa shaqalaha wasaaradda warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya.

Maalinimadii shalay aheyd gudoomiye Yariisoow ayaa gudoomiyihii degmada Xamar Jajab u magacabaay gudoomiyaha cusub ee Degmada Yaaqshiid.