Sawirro: Gudoomiyaha cusub gobolka Banaadir oo xilka la wareegay

Wararka Maanta

Munaasabadan oo uu Xilka Kula wareegayey Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit cabdi Maxamed ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’isul wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir, iyo Marti sharaf kale.

Munaasabadan ayaa ka dhacday  Aqalka dowlada Hoose ee Xamar, Masuuliyiinta kala duwaneed ee munaasabada ka hadlay ayaa Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir ku amaanay da’daalka uu ku bixiyay hormarka Magaalada iyadoo dhanka kale sheegay in ay garab istaagi doonan Gudoomiye Taabit,

Gudoomiyihii Hore ee Gobalka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabada ka hadlay ayaa aad ugu mahad celiyay shacabka soomaliyed iyo maamulkii ay isla soo shaqeeyen.

“ waxaan  aad iyo aad ugu mahad celinaaya dhamaan shacabkii Soomaliyed iyo Maamulkii iyo shaqaala weynaha Dowlada hoose mudadii koobned sida ay iila soo shaqeeyen oo ay iigu garab siiyeen howsha adag ee la taaban karo ee laga qabtay magaalada Muqdisho waxaan idin lee yahay idinma hilmaami doon”

Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in maamulkiisa uu xooga saari doono Hormarka iyo xasiloonida caasimada.

“ xamar cadey waxey horey u aheyd magaala qurux badan oo xasiloon maamul keyga waxuu waxbadan ka qaban doono sareenta sharciga xasilooni iyo wax qabad sidoo kale waxaan doorka koobaad ka dhigi doona ilaalinta nafta iyo hantida dadweynaha”

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Soomaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa kula dardaarmay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir  in uu kasoo dhalaalo balan qaad yadiisa.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo munaasabada ka hadlay waxa uu ka dalbaday umada Soomaliyed in ay wax waliba ka hormariyaan Soomalinimada islamarkaana ay Dowlada diyaar u tahay in lala xisaabtamo.

Munaasabada marka ay soo gaba gabootay ayaa waxaa shahaadooyin la gudoon siiyay qaar kamid ah masuuliyiinta iyo howl wadeenada Dowlada Hoose ee Xamar.

1O 2-7 3-9 4-6 5-2 6-1 7 8 9