Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray qarax

Wararka Maanta

Allaha u naxariistee Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka mid aheyd Wariyeyaasha Radio Muqdisho iyo SNTV ayaa u geeriyootay dhaawac culus oo ka soo gaaray qarax lagu xiray gaari ay wadatay duhurnimadii maanta.

Hindiya Xaaji Maxamed ayaa ku geeriyootay isbitaalka Madiina, halkaasoo dhaawaceeda la geeyay, waxaana qaraxa markii hore ay ku weysay mid ka mid lugaheeda.

Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in Hindiya ay u geeriyootay dhaawacii ka soo gaaray qaraxii gaarigii ay wadatay lagu xiray.

Xilliga qaraxa lala beegsanayay ayaa la sheegay inay ka soo baxday mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho oo ay dhiganeysay waxaana qaraxa uu ku qabsaday agagaarka Isgoyska Km4.

Sidoo kale Waxaa qaraxa ka badbaaday gabar ka tirsaneyd Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Maryama Abdulsamad Mohamoud oo la shaqeegay in dhaawac fudud ka so gaaray qaraxa, gabadhan ayaa gaariga la saarneyd Hindiya.

Sanadkii 2012 ayaa  seyga Hindiya oo ahaa Liibaan Cali Nuur uu ku geeriyooday weerar lagu qaaday maqaaxida The Village, halkaasoo ay ka qaxweynayeen wariyeyaal, waxaana sidoo kale ku dhintay C/sataar Dahir Sabriye oo labadaba ka wada shaqeynayeen Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ee SNTV.
Hindiya ayaa noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee wariye ah lagu dilo Muqdisho tan iyo sanadkii 2007-dii xilligaasoo Muqdisho ka bilowdeen beegsiga wariyeyaasha.

Qaraxyada lagu dhejiyo gawaarida ayaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay, waxaana wariyihii u horeeyay ee lagu dilo qarax gaariga loogu xiray uu ahaa Allaha u naxariistee Yuusuf Keynaan oo bishii June ee sanadkii 2014, halka Wariye Maxamed C/llaahi Xaaji uu ka bad baaday qarax gaarigiisa loogu xiray bishii July ee sanadkii 2014.