Galmudug : Ardaydii kaalmaha sare ka gashay Imtixaankii Dowladda oo Lacag la gudoonsiiyey (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Saddexda Arday safka hore ka gashay imtixaanka Dowladda ayaa la guddoonsiiyay min shan boqol oo doolarka Mareykanka ah oo ah lacag lagu dhiiri gelinayo, taasi oo ay iska soo urruuriyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Chicago ee Dalka Mareykanka, Urur la yiraahdo DDF iyo Guddiga garoonka diyaaradaha Caabudwaaq.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Sheekh Ibraahin Sheekh Xasan Guureeye  oo ka qeybgalayey munaasabadaasi xarig jarka dugsiga sare cusub Cabudwaaq ayaa u sheegay iskuulka ardayda Shire Jaamac ee guusha ka gaaray imtixaankii Qaran ee laga sameeyay dalka ay abaal marin siin doonto dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana sidoo kale uu soo hadal qaaday qorshayaasha waxqabad ee la filayo dhawaan in laga sameeyo Degmada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Faderaalka Xaamud Cali Xasan iyo wafdi la socday oo u yimid degmada Furitaanka dugsiga sare ee degmada iyo Dhiiragalinta Iskuulka Shire Jaaamac oo Sadex ka midi ah Ardaydii uga qaybgashay Imtixaanka Qaran ay ku jiraan afarta ugu sareysa ee kubaastay Imtixaankaasi, waxaana  uu sheegay in ay farxad u tahay ka soo qaybgalkiisa Guushaasi.

DSCN9690

DSCN9788 DSCN9787 DSCN9766 DSCN9758 DSCN9750

 

Comments are closed.