Raiisal Wasaaraha oo sheegay dib u dhis in lagu sameynaayo Stadio Muqdisho

Wararka Maanta

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo xalay ka qaybgalay munaasabad loo qabtay kooxda Jubbaland ee ku guuleysatay tartankii Kubadda Cagta ee Dowlad Goboledyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay inay sameeyaan wax walbo oo dhallinyarada Soomaaliyeed xaq uga leeyihiin dowladdooda.

Wuxuu sheegay Khayre, in la dhisi doono garoonka ciyaaraha ee Muqdisho oo hadda ay deggan yihiin ciidamo Amisom si dhalinyarada Somaliyed ay fursad ugu helaan inay ku ciyaaraan halkaasi.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dalka amnigiisa iyo horumarkiisa si wax looga qabto ay muhiim tahay xoojinta ciyaaraha oo abuuraya jawi isdhexgal Bulsho.

“Waxaan diyaar u nahay inaan dhallinyarada Soomaaliyeed u sameyno mustaqbalka ay xaqqa inooga leeyihiin, tallaabada u horreysa waxay tahay in loo dhiso Isbartiibadooda, marka haddii aan iskaashanno 2018 waxaan ku guuleysan karnaa inaan saas sameyno, annagana haddii aan nahay xukuumad oo aan aqbalnay inaan deris la noqono Isbartiibada idinka soo inta kale ma qabsan kartaan, waxaa inoo soo baxday dalka amnigiisa iyo horumarkiisa si wax looga qabto in la xoojiyo sidii Sports-ka wax looga qaban lahaa, in dhallinyarada Soomaaliyeed intay helaan fursado ay ku qabtaan waxay u baahan yihiin gaar ahaan Sportiga, haddii ilaahay yiraahdo 10-ka sano ee soo socota aan aragno wiilal Soomaaliyeed oo u ciyaaraya kooxaha adduunyada lagu tartamo.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Dadka Soomaaliyeed ayaa 70% waxay yihiin dhallinyaro, dhallinyaradana waa laf dhabarta dal walbo, waxayna dowladda Federaalka waddaa dedaalka ku aadan wax u qabashada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Garoonka Kubadda Cagta ee Stadio Muqdisho, ayaa hadda waxaa Saldhig Militari  ku leh ciidamada Midowga Afrika Amisom, iyadoo ay socdaan dadaalo kala duwan oo Amisom halkaasi looga guurinaayo.