Shir looga hadlayo doorka Haweenka iyo Dastuurka oo Muqdisho ka furmay

Wararka Maanta

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa labada guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa maanta magaalada Muqdhisho ka furtay shir laba maalin socon doona oo ku saabsan sidii haweenka Soomaaliyeed looga talo-gelin lahaa qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameyay.

Ugu horeyn, waxaa shirka ku soo dhaweeyay dhamaan ka qaybgalayaasha islamarkaana sharaxday ujeedooyinka shirka Marwo Zahra Cali Xasan oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka.

Sidoo kale, waxaa shirka bogaadisay islamarkaana taageero u muujisay Gudoomiyaha Kutladda Haweenka ee Baarlamaanka Federaalka Marwo Jawaahir Axmed Cilmi.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga la-socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee labada gole Mudane Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Marwo Muumino Sheekh Cumar ayaa si wadajir ah waxa ay taageero ugu muujiyeen haweenka Soomaaliyeed iyagoo sheegay in xuquuqdooda uu sugayo dastuurka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa yiri “Waxa aan ku faraxsanahay muddo ka yar afartan cisho in aan seddex kulan oo wadatashi ah la yeelanay haweenka, taasi ayaa cadeyneysa in aan dooneyno doorka haweenka ee dhameystirka dastuurka in uu noqdo mid ballaaran si ay uga qaybqaataan go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah”.

Ugu dambayn, shirkan oo ay ka qaybgalayaan haween ka kala yimid gobolada dalka ayaa waxaa ay taladooda ku biirin doonaan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay ee dastuurka.