Wararkii ugu dambeeyey Olalaha Musharixiinta

Wararka Maanta

Caawa waa habeenkii dheeraa, galaangal iyo xod xodasho ayaa ka socda hotelada iyo xarumaha ololaha musharixiinta, saacado kooban ayaa ina xiga doorashada Madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed.

Hotelka Syl oo ah xarunta Ololaha doorashada Musharax Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ku sugan xildhibaano farabadan, waxaana sidoo kale Hotel Jazeera ka socda gorgortan codka xildhibaanada, waxaa socda balanqaadyo siyaasadeed iyo lacago, qiimaha codka ayaa maraya 100 kun halkii cod.

Doorashada beri ayaa la filayaa in noqon doonto dhowr wareeg, musharixiinta inta badan ayaa xusul duub ugu jira sidii ay u heli lahayeen codad ugu gudbaan wareegga 1-aad.

Musharixiinta kala ah Xasan sheekh, Cumar C/rashiid, Shariif sh. Axmed iyo Farmaajo ayaa la sheegayaa in ku jiraan safka hore, una badan tahay in ay wareegga koowaad ku soo baxaan.

Musharax kasta wuxuu sheeganayaa inuu haysto codad ku filan, inkastoo labada garab ee sida dhabta ah isku haya waxa ay yihiin garabka Qabyo-tirayaasha iyo garabka isbadal doonka.

Waxaa muuqata in Xasan Sheekh Maxamuud haysto codadka ugu badan xildhibaanada, inkastoo beri subax la ogaan doono xaqiiq tageerada musharixiinta.

Dhanka kale saamiga codadka Sheekh Shariif ayaa hoos u dhacay, waxaa qeyb ka mid ah taageerayaashii u weecdeen Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Sidoo kale Cumar C/rashiid ayaa taageero xooggan ka helay madaxweynaha Puntland iyo xildhibaanada halkaas laga soo doortay.

Daqiiqad kasta waxaa isbadalaya saamiga codadka musharixiinta, waxaan is la dhayalsan karin miisaanka siyaasadeed ee C/qaadir Cosoble.

Warar aan haleyno ayaa sheegaya in wada hadal u socdo Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid, waxaana suurtagal ah in Sharmaake ku biiro kooxda Xasan.

Wixii kusoo kordha kala soco halkaan