Gudoomiyihii hore Xamarweyne oo geeriyooday

Wararka Maanta

Allaha u naxariistee waxaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne C/laahi Sahal Ibraahim Gardhuub.

FB_IMG_1486493846345

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uu xanuunsanaa maalmihii ugu danbeeyay isla markaana Caawa uu ku geeriyooday mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa Ka Tacsiyeeyey Geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar Weyne C/llahi Sahal Gardhuub, wuxuuna Alle uga baryay inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo.