6 Ruux oo saaka lagu dilay Bosaso

Wararka Maanta

Dableey hubeysan ayaa weerar ku qaadey aroornimadii hore ee saaka hoteelka International Village oo Boosaaso kaga yaal dhanka waqooyi.

Weerarkan oo dhacay xilli salaadii Subax laga soo baxay ayaa waxaa ku dhintey 6 ruux. Sida ay wararku sheegayaan 6-dan ruux ayaa isugu jira ilaaladi hoteelka, kuwo marti daganeyd hoteelka iyo dableeydi weerarka soo qaaddey, sida ay saraakiil iyo dad goob joogayaal ah sheegeen.

Ilaaladda ayaa la sheegay in ay isu geyn ka dhinteen afar ruux, halka dableeyda weerarka soo qaaddeyna ay labo uga dhinteen weerarka marki ay gudaha hoteelka galeen.

Dhanka tirada dhaawaca ayaan ilaa iyo hada la xaqiijinin.

Warka weerarkan oo dhameystirin waxaad ka dhageysan doontaan idaacahayaga soo socdo.

Xigasho: VOA