Wararkii ugu dambeeyay muhaajiriin lagu la’yahay xeebaha Jabuuti

Wararka Maanta

Qaramada Midoobey ayaa shaacisay in la la’yahay dad kor u dhaafaya 130 qof oo muhaajiriin ah kaddib markii labo doonyood oo ay saarnaayeen ay kula degeen xeebaha dalka Jabuuti.

Ha’yadda IOM waxay sheegtay in dadka degan gobolka Obokh ee Waqooy bari dalka Jabuuti ayaa dhacdadaasi ku wargeliyay booliska kaddib markii ay arkeen labo qof oo kasoo badbaaday doomaha qalibmay iyo meydadka saddex haween iyo labo rag ah.

Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti  ayaa sheegay in doomaha ay qalibmeen markii nus saac ku dhawaad ay badda ku safrayeen, labada doonyood ayaa la sheegay in rakaab xadh dhaaf ah ay saarnaayeen.

Waxaana hadda socdaa howlaha samatabixinta iyo gurmadka lagu soo badbaadinayo dadka ku maqan badda.