War-Saxaafadeed: Shirka Golaha Wasiiradda Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxtooyada Dowladda Galmudug
War –Saxaafadeed
Tix: XGWDGGM/25/2017
8th June 2017
Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kulanka Khamiis laha ah ee Xukuumada ku yeeshay xarunta Madaxtoyada Dowlada Galmudug ee Cadaado waxaana
shir gudoominayay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlada Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey).
Kulanka Waxaa diirada lagu saaray arimo ay ka mid yihiin Amniga, Abaaraha, Dib U Heshiisiinta, Kobcinta Dhaqalaha iyo Arimaha Bulshada.
Golaha Xukuumadda Dowlada Galmudug iyagoo ka duulaya heshiiskii amniga qaranka oo dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe iyo DFS ay ku heshiiyeen Waxa ay aad uga doodeen qaabkii dib u dhis loogu sameyn lahaa ciidanka Galmudug loona qalabeyn lahaa iyo sidii loo waafajin lahaa dhismaha Ciidanka Qaranka Somaliyeed, Sidoo kalana Xasilinta Magaalooyinka iyo Qaadista isbaarooyinka aya looga hadlay.
Goluhu waxa kale oo uu warbixin dar dar galinta Dib u heshiisiinta ah ka dhageystay wasaarada Dastuurka iyo Dib U Heshiisinta DGGM waxayna soo bandhigatay wasaaraddu qorshaheeda dib u heshiisiin oo ay ugu muhiimsantahay dib u heshiisiinta Bulshada Galmudug, Ahlu-Sunna Waljamaca iyo Dib U Heshiisinta Gaalkacyo oo howsheedu socoto.
Golaha Xukuumadu sidoo kale waxa uu ka hadlay Xaalada Abaaraha ee ka jirta Deegaanka Galmudug iyo sidii kormeer loogu sameyn lahaa Deegaamada Roobeystay iyo Kuwa wali abaareysan iyo qaabkii sida ugu dhow wax loogu garsiin lahaa.
Ugu Dambeyn Goluhu waxa uu warbxiin ka dhageystay wasaarada Maaliyada Dowlada galmudug iyadoo wasaaradu soo bandhigatay qaabkii Kobaca dhaqaalaha Galmudug Sare loogu qaadi Lahaa.
DHAMAAD