Sawirro: Madaxweyne Xaaf oo kormeeray dhismaha Xabsiga weyn Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Galmudug Axmed Dulaace Geele Xaaf oo ay wehliyaan mas’uuliin kale ayaa kormeer  ku tagay dhismaha qabyada ah ee xabsi weyn oo ku yaal duleedka Galkacyo. Dhismaha xabsigan ayaa ku fadhiya 500 mitir Square.
Madaxweynaha  Galmudug oo goobta  ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku dadaali doono dhameystirka dhismaha xabsigaan si loo helo meel dinbiilayaasha lagu ilaaliyo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale bulshada deegaanka ugu baaqay inay maamulka la shaqeyaan si loo gaaro hormur iyo nabad gelyo. Waxaa ayaa intaa ku daray in lasoo wareeji doono  maxaabiista ku xiray gudaha dalka iyo dibadiisa marka la dhameeyo dhismaha xabsigan.

IMG_4825

IMG_4820

IMG_4823

IMG_4810

IMG_4801

IMG_4796

IMG_4795

IMG_4786

IMG_4785

Wariye: Daahir Faarax – Galkacyo